Ardayda Jaamacadaha Boosaaso oo taageeray nidaamka Xisbiyada Puntland (Dhegayso)

Boosaaso 9 July-2013 -Kulan ay maanta isugu yimaadeen dhalinyarada wax ka barata Jaamacadaha kuyaala magaalada Boosaaso ee xarunta ?gobolka Bari ayey si weyn ugu taageereen hannaanka Xisbiyada badan ee Puntland.
?
Ardayda ayaa dadweynaha reer Puntland ugu baaqay inay si weyn u taageeraan nidaamkan oo ay sheegeen inuu yahay wadada horumarka.
?
Dhalinyarada kulanka isugu yimid ayaa ka dooday sidii uu ku Hirgeli lahaa nidaamkan Dimuqraadiyada ee Puntland ku talaabsatay.
?
Waxay sidoo kale soo jeediyeen in bulshada faham iyo sharax dheeraad ah laga siiyo faa’iidooyinka uu bulshada u leeyahay barnaamijka Dimuqraadiyadu si looga gudbo hanaankii qabiilka.
?
Xasan Cilmi Guure oo kamid ah dhalinyaradii ka qeybgashay kulanka ayaan ka wareysanay waxyaabaha ay kulankooda uga hadleen, isagoo sheegay in kulankaasi si weyn loogu taageeray nidaamka Xisbiyadda Puntland.
?
Deegaanada Puntland waxaa mudooyinkii danbe ka socdey geedi socodka dimuqraadiyadda Puntland oo lagu wado in lagu dabakho doorashooyinka dhacaya sanadkan anu kujiro & sanadka soo socda bilowgiisa.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
Buuhoodle?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com