HomeUncategorized

Shil gaari oo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Badhan ee gobolka Sanaag (Dhegayso)

Badhan June 17-2013, Wararka ka imaanaya magaalada Badhan ee gobolka Sanaag bari ayaa sheegaya in deegaano hoostaga degmadaasi uu ka dhacay shil baabuur oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Caawa iyo Daljir, Salaasa, Jan 15 22013. ,Axmed Nuur Ibraahim (Somali) Daljir Boosaaso.
“Waxaan leeyahay qof kasta oo Somali ah oo meeshaa loo magacaabo, hadii uu hawsha loo igmaday ka bixi karo, xaq buu u leeyahay” M/weynaha Puntland.
Shirka 66-aad ee WHO oo Kuwayt ka Furmaya iyo Somaliya oo ka Qayb-galaysa
Badhan June 17-2013, Wararka ka imaanaya magaalada Badhan ee gobolka Sanaag bari ayaa sheegaya in deegaano hoostaga degmadaasi uu ka dhacay shil baabuur oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
?
Hal qof ayaa dhintay 14 kalana dhaawac ayaa soo gaadhey kadib markii gaari ay saarnaayeen uu kula qalibmey halka lagu magacaabo Habra-Hungulle oo u dhexeeya Badhan iyo Ceelbuh oo ka tirsan gobolka Sanaag.
?
Gaariga Qalimay oo ahaa Booyad biyaha qaada ayaa ka amba baxay magaalada Badhan isagoo kusiijeedey dhulka miyiga ah ee gobolka Sanaag.
?
Dadka Dhaawacmay oo xiligan lagu dabiibayo Isbitaalka magaalada Badhan ayaa lagu soo waramayaa in qaar kamid ah xaaladooda caafimaad ay tahay mid liidata.
?
Maamulaha Isbitaalka Badhan Axmed Jibriil Cali oo la hadlay Radio Daljir ayaa sheegay in xiligan ay latacaalayaan dhaawacyada dadkii waxyeelado kasoo gaadhey shilkani.
?
Wuxuu sheegay inb qaar kamid ah dadkii dhaawacmay xaaladoodu aad u liidato halka qaar kale ay wanaagsan tahay xaaladooda caafimaad.
?
Shilalka gaadiidka ayaa kusoo badanaya dhulka Soomaalidu degto waxaana arintaasi dhinaca loosaarayaa dhawr arimood oo isbiirsaday sida, khibrad xumo dhanka wadayaasha ah, Wadooyinka oo aad u dayacan iyo arimo kale.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
Buuhoodle
?

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: