Shil gaari oo ka dhacay deegaano hoostaga degmada Badhan ee gobolka Sanaag (Dhegayso)

Badhan June 17-2013, Wararka ka imaanaya magaalada Badhan ee gobolka Sanaag bari ayaa sheegaya in deegaano hoostaga degmadaasi uu ka dhacay shil baabuur oo sababay dhimasho iyo dhaawac.
?
Hal qof ayaa dhintay 14 kalana dhaawac ayaa soo gaadhey kadib markii gaari ay saarnaayeen uu kula qalibmey halka lagu magacaabo Habra-Hungulle oo u dhexeeya Badhan iyo Ceelbuh oo ka tirsan gobolka Sanaag.
?
Gaariga Qalimay oo ahaa Booyad biyaha qaada ayaa ka amba baxay magaalada Badhan isagoo kusiijeedey dhulka miyiga ah ee gobolka Sanaag.
?
Dadka Dhaawacmay oo xiligan lagu dabiibayo Isbitaalka magaalada Badhan ayaa lagu soo waramayaa in qaar kamid ah xaaladooda caafimaad ay tahay mid liidata.
?
Maamulaha Isbitaalka Badhan Axmed Jibriil Cali oo la hadlay Radio Daljir ayaa sheegay in xiligan ay latacaalayaan dhaawacyada dadkii waxyeelado kasoo gaadhey shilkani.
?
Wuxuu sheegay inb qaar kamid ah dadkii dhaawacmay xaaladoodu aad u liidato halka qaar kale ay wanaagsan tahay xaaladooda caafimaad.
?
Shilalka gaadiidka ayaa kusoo badanaya dhulka Soomaalidu degto waxaana arintaasi dhinaca loosaarayaa dhawr arimood oo isbiirsaday sida, khibrad xumo dhanka wadayaasha ah, Wadooyinka oo aad u dayacan iyo arimo kale.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
Buuhoodle
?

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com