HomeUncategorized

M/weynaha Xassan Shiikh ayaa taliyahaBilayska & Nabadsugidda magacaabay

Muqdisho, May 02 - M/weynaha dawladda federaalka ee Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud ayaa maanta magacaabay taliyaha ciidamada bilayska Soomaaliyeed iyo agaasimaha hay'adda nabad-sugidda,

Xasan Shekh : Ciidamada Miina Baarka Booliska waxay Qeyb weyn ka Qaataan Sugidda Amniga dalka
Madaxweyne Gaas oo Qaabilay kaaliyaha xoghayaha Qaramada Midoobay ee Taakulaynta
Dowladda Talyaaniga oo bilaabaysa mashaariic lagu dhisayo garoomada dayuuradeed ee Bosaso, Gaalkacyo iyo isbitaalka Martini ee Muqdisho

Muqdisho, May 02 – M/weynaha dawladda federaalka ee Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud ayaa maanta magacaabay taliyaha ciidamada bilayska Soomaaliyeed iyo agaasimaha hay’adda nabad-sugidda, kaddib markii horay dawladdu u shaacisay in isbaddel muuqda laga samaynayo labadaas ciidan.

?
Taliyaha ciidanka bilayska ayaa loo magacaabay General Saacid Daahir Saciid oo horay u ahaa taliye kuxigeenka bilayska Soomaaliya, waxaana isla qoraalkaasi faafintiisu maanta soo baxday xilkii looga qaaday Shariif Shiikhunaa oo ahaa taliyiha bilayska.
?
Isla digreetadaasi maanta, waxaa lagu magacaabay agaasimaha hay’adda nabad-sugidda, waxaana xilkaasi loo magacaabay Gen. Bashiir Maxamed Jaamac.
?
Magacaabidda labadaan mas’uul ayaa ka timid kulan xukuumadeed oo uu shir guddoominayey R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, maanta ayeyna si rasmi ah ugu soo baxeen warqadda faafinta madaxweyne.
?
Tallaabadaan lagu magacaabay saraakiisha sare ayaa ahayd mid la filayey todobaadadii ugu dambeeyey, waxaana madaxda dawladdu horay u ballanqaadeen isbaddel ay ku samaynayaan bilayska iyo sirdoonka, kaddib markii ay dhawr jeer dhaceen weeraro waaweyn oo aan warkooda horay loo helin.
?
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(G).

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: