M/weynaha Xassan Shiikh ayaa taliyahaBilayska & Nabadsugidda magacaabay

Muqdisho, May 02 – M/weynaha dawladda federaalka ee Soomaaliya Xassan Sh. Maxamuud ayaa maanta magacaabay taliyaha ciidamada bilayska Soomaaliyeed iyo agaasimaha hay’adda nabad-sugidda, kaddib markii horay dawladdu u shaacisay in isbaddel muuqda laga samaynayo labadaas ciidan.

?
Taliyaha ciidanka bilayska ayaa loo magacaabay General Saacid Daahir Saciid oo horay u ahaa taliye kuxigeenka bilayska Soomaaliya, waxaana isla qoraalkaasi faafintiisu maanta soo baxday xilkii looga qaaday Shariif Shiikhunaa oo ahaa taliyiha bilayska.
?
Isla digreetadaasi maanta, waxaa lagu magacaabay agaasimaha hay’adda nabad-sugidda, waxaana xilkaasi loo magacaabay Gen. Bashiir Maxamed Jaamac.
?
Magacaabidda labadaan mas’uul ayaa ka timid kulan xukuumadeed oo uu shir guddoominayey R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, maanta ayeyna si rasmi ah ugu soo baxeen warqadda faafinta madaxweyne.
?
Tallaabadaan lagu magacaabay saraakiisha sare ayaa ahayd mid la filayey todobaadadii ugu dambeeyey, waxaana madaxda dawladdu horay u ballanqaadeen isbaddel ay ku samaynayaan bilayska iyo sirdoonka, kaddib markii ay dhawr jeer dhaceen weeraro waaweyn oo aan warkooda horay loo helin.
?
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(G).

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com