HomeUncategorized

C/raxmaan Sh Maxamed (Gablax) oo dhaliilay Xukuumadda Puntland

Gaalkacyo, 18, Dec- C/raxmaan Sh Maxamed (Gablax) oo ka mid ah siyaasi dhaliilsan Xukuumadda Puntland ayaa sheegay inuu diiidan yahay in Xukuumadda M/weyne Cabdiraxmaan Sh Maxamed Maxamuud ( Faroole ) ay shaqayso mudo shan sano ah.

?Waa been in shirka ammaankiisa ay sugayaan AMISOM, shirka nabadgalyadiisa guddiyo gaar ah ayaa sugaya, ammaankuna waa mid illaa xad la isku halayn karo? Gen. Ilkajiir
Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Shariif xasan iyo xubno la socda oo Baydhabo u tegay arrimaha shiweyne halkaas ka socda

?

Gaalkacyo, 18, Dec- ?C/raxmaan Sh Maxamed (Gablax) oo ka mid ah siyaasi dhaliilsan Xukuumadda Puntland ayaa sheegay inuu diiidan yahay in Xukuumadda M/weyne Cabdiraxmaan Sh Maxamed Maxamuud ( Faroole ) ay shaqayso mudo shan sano ah.
?
Gablax oo sheegay inuu u taagan yahay xilka Madaxtinimo ee Puntland ayaa waraysi uu siiyey Radio Daljir wuxuu sheegay in Xukuumadda Puntland cadaadis ku hayso Mucaaradka oo ay diidan tahay inay fikirkoodda hadlaan.
?
Wuxuu sheegay in magaalada Garoowe lagu xiray muwaadin reer Puntland ah kaasoo uu tilmaamay inuusan xamili karin xabsi, isagoo sheegay inuusan jirin wax sharciya oo lagu haystaa.
?
Siyaasiyigan ayaa qaylo dhaan u diray dhamaan cid walba oo ay khusayso arimaha siyaasadeed ee Puntland kuwaasoo uu ka dalbayanayo in si deg-deg ah ?usoo fara geliyaan Siyaasadda Puntland, Wuxuu intaas ku daray in Xukuumadda hada jirtaa wakhtigeedu ku eg yahay .
?
“Xaalada hada ay Puntland marayso waa xaalad u baahan in dhamaan dadka reer Puntland ka fiirsadaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan Sh Maxamed ( Gablax ).
?
Musharaxan ayaa geesta kale waxaa uu ka digay qalaalase siyaasadeed oo dalka ka dhaca, kaasoo bur-bur u keeni kara bulshada Puntland ee nabadda iyo hormarka ku soo naaloonaysay tan iyo sanadkii 1998dii.
?
Siyaasada Puntland ee xiligan ayaa waxaa ka jira kala arati duwanaan iyo Ismaan dhaaf u dhexeeya Xukuumadda iyo Siyaasiyiin sheegaya inay u ordayaan xilka Madaxtinimo ee Puntland.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir Galkacyo?
( S )
?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: