C/raxmaan Sh Maxamed (Gablax) oo dhaliilay Xukuumadda Puntland

?

Gaalkacyo, 18, Dec- ?C/raxmaan Sh Maxamed (Gablax) oo ka mid ah siyaasi dhaliilsan Xukuumadda Puntland ayaa sheegay inuu diiidan yahay in Xukuumadda M/weyne Cabdiraxmaan Sh Maxamed Maxamuud ( Faroole ) ay shaqayso mudo shan sano ah.
?
Gablax oo sheegay inuu u taagan yahay xilka Madaxtinimo ee Puntland ayaa waraysi uu siiyey Radio Daljir wuxuu sheegay in Xukuumadda Puntland cadaadis ku hayso Mucaaradka oo ay diidan tahay inay fikirkoodda hadlaan.
?
Wuxuu sheegay in magaalada Garoowe lagu xiray muwaadin reer Puntland ah kaasoo uu tilmaamay inuusan xamili karin xabsi, isagoo sheegay inuusan jirin wax sharciya oo lagu haystaa.
?
Siyaasiyigan ayaa qaylo dhaan u diray dhamaan cid walba oo ay khusayso arimaha siyaasadeed ee Puntland kuwaasoo uu ka dalbayanayo in si deg-deg ah ?usoo fara geliyaan Siyaasadda Puntland, Wuxuu intaas ku daray in Xukuumadda hada jirtaa wakhtigeedu ku eg yahay .
?
“Xaalada hada ay Puntland marayso waa xaalad u baahan in dhamaan dadka reer Puntland ka fiirsadaan” ayuu yiri Cabdiraxmaan Sh Maxamed ( Gablax ).
?
Musharaxan ayaa geesta kale waxaa uu ka digay qalaalase siyaasadeed oo dalka ka dhaca, kaasoo bur-bur u keeni kara bulshada Puntland ee nabadda iyo hormarka ku soo naaloonaysay tan iyo sanadkii 1998dii.
?
Siyaasada Puntland ee xiligan ayaa waxaa ka jira kala arati duwanaan iyo Ismaan dhaaf u dhexeeya Xukuumadda iyo Siyaasiyiin sheegaya inay u ordayaan xilka Madaxtinimo ee Puntland.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir Galkacyo?
( S )
?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com