HomeUncategorized

3-qof ayaa ku dhimatay rasaas ay kooxo hubaysan ku fureen gaari rakaab ah,Gelinsoor, Mudug.

Gelinsor, Mar 29 -Inta la hubo saddex qof oo shacab ah ayaa ku geeitootay rasaas ay kooxo hubaysan ay maanta ku fureen gaari rakaab ah oo marayay inta u dhexaysa magaalada Gaalkacyo iyo deegaanka Galinsoor ee gobolka Mudug.

Baahin: Arbaca, 18 Dec 2013, Caawa Iyo Daljir Axmed Sh Maxamed Tallman ~ Daljir ~ Garoowe
Isleged, Guddoomiyaha goblka Sool ee Somaliland oo ka badbaaday isku day dil.
AKHRISO-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay xukuumaddiisa.

Gelinsor, Mar 29 -Inta la hubo saddex qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay rasaas ay kooxo hubaysan ay maanta ku fureen gaari rakaab ah oo marayay inta u dhexaysa magaalada Gaalkacyo iyo deegaanka Galinsoor ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya kooxaha hubaysnaa inay ahaayeen maleeshiyaad jidgooyo u tiilay inta u dhaxaysa koonfurta magaalada Gaalkacyo iyo deegaanka Galinsoor ee gobolka Mudug.

Tiro dad ah oo ku dhaawacmay rasaasta ayaa la geeyay isbitaalo ku yaala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ma’ahan markii ugu horaysay oo maleeshiyaad hubaysan ay rasaaseeyaan gaadiidka rakaabka ah ee ku safra gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, inkastaa oo ay masuuliyiinta Galmudug ee ka arrimiya deegaano ka mid ah koonfurta gobolka Mudug ay marar badan sheegeen inay wax ka qabanayaan dhibaatooyinka ay gaysanayaan maleeshiyaadka.

Diiwaanka Wararka
Daljir, Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: