3-qof ayaa ku dhimatay rasaas ay kooxo hubaysan ku fureen gaari rakaab ah,Gelinsoor, Mudug.

Gelinsor, Mar 29 -Inta la hubo saddex qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay rasaas ay kooxo hubaysan ay maanta ku fureen gaari rakaab ah oo marayay inta u dhexaysa magaalada Gaalkacyo iyo deegaanka Galinsoor ee gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya kooxaha hubaysnaa inay ahaayeen maleeshiyaad jidgooyo u tiilay inta u dhaxaysa koonfurta magaalada Gaalkacyo iyo deegaanka Galinsoor ee gobolka Mudug.

Tiro dad ah oo ku dhaawacmay rasaasta ayaa la geeyay isbitaalo ku yaala magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ma’ahan markii ugu horaysay oo maleeshiyaad hubaysan ay rasaaseeyaan gaadiidka rakaabka ah ee ku safra gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, inkastaa oo ay masuuliyiinta Galmudug ee ka arrimiya deegaano ka mid ah koonfurta gobolka Mudug ay marar badan sheegeen inay wax ka qabanayaan dhibaatooyinka ay gaysanayaan maleeshiyaadka.

Diiwaanka Wararka
Daljir, Bossaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com