Garowe, Janu, 24 ? Hawl-galo is-dabajoog ah oo habeennadii ugu dambeeyay ay gudaha magaalada Garowe ka sameeyeen hay?adaha nabad-galyada ee caasumada ayaa waxay siyaabo kale duwan u soo qab-qabteen tiro dad ah, kuwaasoo qaar lagu soo qabtay maandooriyaha Khamriga, halka kuwa kalena lala xiriirinayo arrimo amni.
Shir-jaraa?id oo ay si wadajir ah maantay Garowe ugu qabteen taliyaasha saldhigyada Garowe iyo kaantaroonka galbeed ayaa waxay si qeexan uga warameen baaxada hawl-galka ciidanku ay sameeyeen.
Masuuliyiinta ayaa shaaca ka qaaday in eedaysanayaashaasi ay u gudniyeen hay?adaha garsoorka ee Garowe, isla markaana lagu xukumay xukunno isugu jira xarig iyo ganaax.
Hawl-galada lagu adkaynayo ammaanka caasumada ayaa ahaa muddooyinkii ugu dambeeyay kuwo isi-soo tarayay tan iyo wixii ka dambeeyay markii Garowe si isdaba joog ah loogu qabtay shirar Soomaaliyeed oo heer Qaran ah.
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir Garowe.
COMMENTS