HomeUncategorized

Abaaro ka taagan Dhahar oo ay dadka iyo xooluhu la liitaan.

Caption ...

Puntland oo bilawday qorshe dareen-qaybsi ah oo ku aaddan dhib la wadaagidda dadka ay abaaruhu halakeeyeen.
Munaasabadda caleemasaarka Farmaajo oo Muqdisho ka socota iyo magacyada madaxweynayaashii hore.
Saddex qof oo xalay siyaabo kala duwan loogu dilay Boosaaso & bilesyka oo baaritaanno wada.

Dhahar, Oct 23- Abaaro ayaa ka taagan degaannada hoos taga degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, xilli roobabkii dhawaan curtay aanay degaannadaas ka di?in.

Xoolaha ayaa wakhtigan ay soo foodsaartay ruqasho, dadkana taagtooda nololeed ayaa hoosaysa, sida uu Daljir u sheegey guddoomiyaha degmadaas Salaad Xasan Shire ?xilligan nolosha dadka way sii liidataa oo xoolihii carrafada looga iibsan jiray ayayba abaaruhu hore liiciyeen, oo laga iibsan waayay?.

Dadka ay dhibaatooyinku haystaan ayaa ay ka mid yihiin boqollaal qoys oo barakacayaal ah, waxana marxaladda abaareed ay ka sii dartay markii duray loo caal waayay oo saf mar ah uu ka dhex dillaacay dadka degaannadaas ay abaaruhu ku ragaadiyeen.

Guddoomiyaha Dhahar Salaad Xasan Shire waxa kale oo uu sheegey in aanay jirin haba yaraatee wax deeqo ah oo degaannadaasi gaadhay, kuwaas oo ka mid ahaan karay deeqo cunnooyin ahaa oo dhawaan dalalka Kuwayd iyo Cummaan ay ka dajiyeen marsada Boosaaso, isla markaana in ka mid ah la gaadhsiiyay degaanno ka tirsan Sanaag.

Adam Shardi Axmed
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: