Abaaro ka taagan Dhahar oo ay dadka iyo xooluhu la liitaan.

Dhahar, Oct 23- Abaaro ayaa ka taagan degaannada hoos taga degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, xilli roobabkii dhawaan curtay aanay degaannadaas ka di?in.

Xoolaha ayaa wakhtigan ay soo foodsaartay ruqasho, dadkana taagtooda nololeed ayaa hoosaysa, sida uu Daljir u sheegey guddoomiyaha degmadaas Salaad Xasan Shire ?xilligan nolosha dadka way sii liidataa oo xoolihii carrafada looga iibsan jiray ayayba abaaruhu hore liiciyeen, oo laga iibsan waayay?.

Dadka ay dhibaatooyinku haystaan ayaa ay ka mid yihiin boqollaal qoys oo barakacayaal ah, waxana marxaladda abaareed ay ka sii dartay markii duray loo caal waayay oo saf mar ah uu ka dhex dillaacay dadka degaannadaas ay abaaruhu ku ragaadiyeen.

Guddoomiyaha Dhahar Salaad Xasan Shire waxa kale oo uu sheegey in aanay jirin haba yaraatee wax deeqo ah oo degaannadaasi gaadhay, kuwaas oo ka mid ahaan karay deeqo cunnooyin ahaa oo dhawaan dalalka Kuwayd iyo Cummaan ay ka dajiyeen marsada Boosaaso, isla markaana in ka mid ah la gaadhsiiyay degaanno ka tirsan Sanaag.

Adam Shardi Axmed
Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com