HomeUncategorized

“Rajada Soomaaliya waxay ku xiran tahay, Allihii na uuntay ka sakoow, Soomaali waxay fiirsaneysaa oo ka war dhawreysaa R/wasaare C/wali Maxamed Cali Gaas? xil. Seeko.

Caption ...

Puntland oo cambaaraysay weerarkii Somaliland ay kusoo qaaday Buuhoodle.
Maggaaladda Buuhoodle oo lagga xusay maalinta Qashinka 18-Bisha’May
Kulamo Madaxweyne Gaas uga Bilowday Magaalada Gaalkacyo

Moqdisho, 12, July, Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaley ansixiyay nuxurka qodobadii kasoo baxey shirkii Kambala, waxaana soo xaadirey fadhigaasi 436 mudane, waxaa ansixiyay 393 mudane, 36-na wey diideen, halka ay kaa aamuseen 7 mudane.

Md Cali Maxamuud Faarax (Seeko) ayaa si weyn u dhaliiley gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan, waxaana uu tilmaamey inuu majaro habaabiyay masiirka baarlamaanka Soomaaliyeed, isla markaana mudo 4 bilood ah uu wareegayay dalka dibadiisa.

Md Seeko, ayaa dhinca kale si weyn u dhaliiley habusocodka siyaasada, Shiikh Shariif & Shariif Xasan, waxaana uu cuskadey in wax lala yaabo ay tahay khilaafka la sheegey inuu u dhaxeeyo, Md Farmaajo iyo Baarlamaanka, taasina ay u muuqato in afhayeenka baarlamaanku isticmaalayo awood uusan laheyn, sharicigana uu baarmarey.

Xildhibaan Cali Maxamuud Faarax ayaa ummada Soomaaliyeed ugu baaqey, DFKS ee xiligaan jirta ineysan aheyn mid hoggaan u noqon karta dadka Soomaaliyeed, isla markaana dadku ubaahan yihiin hoggaan daacad ah, oo nidaamka kumeel-gaarka ka saari kara dadka Soomaaliyeed.

Cali Maxamuud Faarax ayaa sheegey, ina rajada ummada Soomaaliyeed ay ku xirantahay Allihii na uuntey, kasakoow rajadu ay hoos imaaneyso reysal-wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas, waxaana uu tilmaamey xildhibaanku, in loo baahan-yahay in reysal-wasaare C/wali uu u madax-banaanaado cida uu magacaabayo, balse uusan ku shaqeynin rabitaanka iyo fikrika madaxweyne Shiikh Shariif & Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Maxamed C/laahi Cali
Kooshin Daljir Garowe

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: