HomeUncategorized

Axmed Adam Carab oo loo magacaabay Guddoomiyaha gobolka Cayn; Cumar X. Cabdi, Duqa magaalada Buuhoodle.

Caption ...

DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida _Axad_30
Ninkii weeraray masjidka Galkacyo oo dhintay, iyo dadweynaha & bilaysku oo iska kaashaday qabashadiisa .
Guddiga doorashada M/Soomaaliya oo 9-dob oo sharuudo ah kasoo saaray doorashada madaxwaynaha.

Garowe, Jul 07 – Wareegto ka soo baxday xafiiska M/weynaha Puntland Dr. C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa isbedel lagu sameeyey maamulka gobolka Cayn iyo kan magaalada Buuhoodle.

Wareegtada oo cadadkeedu ahaa 32 ayaa loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Cayn Axmed Adam Carab, halka Duqa magaalada Buuhoodle loo magacaabay Cumar X. Cabdi.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu la tashi la sameeyey wasiirka arrimaha gudaha Puntland Gen. C/llaahi Axmed Jaamac ‘Ilkajiir’.

Maamulka cusub ee gobolka Cayn ee uu maanta magacaabay Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in uu dhawaan la wareego xilalka loo kala magacaabay.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Dlajir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: