HomeUncategorized

Wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga ee DFKM oo goor dhawayd u dhintay dhaawac galabta soo gaadhay

Caption ...

RW Cumar oo Sheegay in la Dhisayo Maamul ay ku Midaysan-yihiin Hiiraan iyo Sh.dhexe
Ciidamadii dawladda ee laga saaray Beledweyn oo abaabul colaadeed ka wada deegaanno isla gobolkaasi ka tirsan.
Baahin: Arbaca, Nov 30, Axmed Jookar ~ Daljir ~ Bossaso. R/wassaare Gaas oo dhalleeceeyey weeraro & qaraxyo lala beegsaday fariisinka ciidanka federaalka ee Villa Baydhabo, Muqdisho; 4 dhimasho ah, 8 dhaawac ah oo uu sababay qaraxa Villa Baydhabo; Gen. Dhegabadan ayaan ka waraysanay; Warbixin ku saabsan xaflad lagu soo gunaanaday colaadii Garsoor oo lagu qabtay Garowe; Madaxda & Issimada Puntland oo khudbado ka jeediyey.

Mudisho, 10 June- Alle ha u naxariistee waxaa goor dhawayd cusbitalka Banaadir ee magaalada Muqdisho ku dhintay wasiirkii arrimaha gudaha iyo amniga ee DFKMS C/shakuur Xasan Faarax, kaddib dhaawac ka soo gadhay qarax lagula beegsaday gurigiisa.

Eebbe ha u naxariistee wasiir C/shakuur Xasan Faarax ayaa galabta ay isku miidaamisay gabadh uu adeer u ahaa oo maalmihii ugu dambeeyey gurigiisa ku noolayd, taasoo si lama filaan ah iskugu miidaamisay.

Ismiidaaminta noocan ah ee ay adeegsatay haweeney isla markaana lala beegsaday wasiir ka tirsan DFKMS ayaa ah tii ugu horreeyey.

Tan iyo imika ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay weerarkan ismiidaanta ah, waxase laga fili karaa ururka Alshabaab oo dagaal kula jira dowladda, horena weeraro ismiidaan ah ugu dilay wasiirro, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda.

Adam Shardi Axmed
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: