HomeUncategorized

Taliye ku xigeenka ciidanka birmadka Somaliland ee gobolka Sool oo si halis ah loo dhaawacay.

Laascaanood, Apr, 29 - Taliye ku xigeenka ciidanka Birmadka ee gobolka Sool Jamac Muuse ayaa dhaawac halis ah la gaarsiiyey ka dib markii caawa (Jimc

Dhagayso Xildhibaan Dhoobo: Sharci ma ahan in la joojiyo codkeena, waana khalad taariikhi ah
DHAGAYSO:Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo wariye Koshin
MUQDISHO: Kulankii Barlamaanka ee Maanta oo kooram la’aan u baaqday | Waaberi

Laascaanood, Apr, 29 – Taliye ku xigeenka ciidanka Birmadka ee gobolka Sool Jamac Muuse ayaa dhaawac halis ah la gaarsiiyey ka dib markii caawa (Jimce) rag hubaysani ay bastooladu ku warareen, isagoo ka soo baxay masjid ku yaalla magaalada Laascaanood.

Sida ay Daljir u sheegeen dad goob joogayaal ah waxaa taliye ku xigeenka ku dhacay dhawr xabadood oo qaar kood ay madaxa uga dheceen, waxaana sidoo kale dhaawacmay hal qof.

Dhaawaca sarkaalka ayaa loo cararay magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland si loo dabiibo, mano jirto cid ka tirsan maamulka gobolka Sool oo arrintaasi ka hadalay.

Guddoomiyaha gobolka Sool ayaa isna dhawaan ka badbaaday shirqool lala damacsanaa in lagu qaarajiyo, kaasi loo adeegsaday qarax lala eegtay gaarigiisa, mana jirto cid loo qabtay qaraasi iyo ka horreeyeyba.

Axmed Sh. Maxamed ?Tallman?
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: