HomeUncategorized

Isbitaalka guud ee Garoowe oo ay jiifaan bukaan tiro badan oo la soo dhacay cudurrada ka dhashay saamaynta abaarta.

Caption ...

“Dadka hadda u shaqaynaya dawladda ha labba-jibaareen shaqada amaan ee ay hayaan aad bay u liidataa” Xil. Seeko
Baahin: Khamiis, Feb 02, Khadar Cawl ~ Daljir ~ Buuhoodle. Ciidamada is-bahaysiga Somaliya oo la wareegay degmada Badhaadhe, J. Hoose; Mashruuc lagu dhisayo waddo laami ah oo ay kala saxiixdeen D/Hoose Bossaso & shirkada El-Gur; William Hague, xog-hayaha arrimaha dibedda ee Britain oo booqasho ku yimid Muqdisho; Xulka gobolka Mudug oo 2 – 1 kaga badiyey xulka Sool.
Dadkii ku guryo beelay dabkii qabsaday Kaamka Boqolka Buush oo xalay bannaan u hoyday.

Garoowe, April 27 – Bukaanadii ugu badnaa abid ayaa xilligaan jiifa isbitaalka guud ee magaalada Garoowe. Sidaas waxaa maanta (Arbaca) Raido Daljir u xaqijiyey agaasimaha isbitaalka Maxamed Jaamac Xirsi.

Agaasimuhu wuxuu sheegey in ay bukaannadu isugu jiraan dad qaba xanuunnada caadiga ah iyo kuwo u jiifa dhaawacyo kala duwan. Cudurada ugu badan ee bukaanadaasi ay la jiifaan ayaa waxaa ka mida jadeecada, maleeriyada, xiiq-dheerta, TP-da iyo weliba cudurro kale oo farabadan, sida uu agaasimuhu noo xaqiijiyey.

Mar uu ka hadlayay sababaha keenay in ay kororto tirada bukaan-jiifka ah ee Isbitaalka ayuu agaasimuhu wuxuu sheegey, in ay sababeen abaaraha iyo biyo la’aanta xilligaan ka jira gobolka Nugaal, kuwaas oo ay ka dillaaceen cudurro farabadan haba ugu sii darraadeene kuwa ku dhaca dhallaanka iyo da? yarta.

Si kastaba ha ahaatee, bukaannada faraha badan ee la jiifiyey isbitaalka guud ee magalada Garoowe ayaa ku soo aadaya xilli inta badan gobollada Soomaaliya ay ka jirto nafaqo la’aan baahsan oo sababay in ay u geeriyoodaan dad caruur u badan iyo duunyo intaba.

Cabdi Xasan Rooble Awoowe,
Daljir, Garoowe

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: