Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka baxay Shir uu ku casuumay Madaxweynaha dalkaas

HomeWararka

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka baxay Shir uu ku casuumay Madaxweynaha dalkaas

Wararka la helay ayaa sheegaya in safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) uu Maanta iskaga baxay shir uu madaxweynaha K

Warka Fiidnimo iyo Subeer Shiikh Cabdi, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
QM oo dalbatay in laa hortago xadgudubyada Haweenka loogu geysto Soomaaliya
QARDHO MAANTA | (daawo | dhegayso)

Wararka la helay ayaa sheegaya in safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) uu Maanta iskaga baxay shir uu madaxweynaha Kenya ku casuumay safiirrada caalamka u fadhiya dalkaas

Arrintan ayaa ka dambeeysay kadib markii shirka sidoo kale lagu casuumay Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya iyadoo weliba loo ogolaaday in Calankiisa (Somaliland) uu is hordhigo sida Safiirada kale, taasi oo uu kasoo horjeestay Safiir Tarsan.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaan weli ka hadlin arrintaas, hayeeshee wuxuu kusoo aadayaa xilli Somaliland iyo Kenya sannadihi la soo dhaafay kor u qaadeen xiriirkooda iyagoo heshiis iskaashina kala saxeexdeen labada madaxweyne Uhurra iyo Biixi.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: