Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka baxay Shir uu ku casuumay Madaxweynaha dalkaas

Wararka la helay ayaa sheegaya in safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) uu Maanta iskaga baxay shir uu madaxweynaha Kenya ku casuumay safiirrada caalamka u fadhiya dalkaas

Arrintan ayaa ka dambeeysay kadib markii shirka sidoo kale lagu casuumay Wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya iyadoo weliba loo ogolaaday in Calankiisa (Somaliland) uu is hordhigo sida Safiirada kale, taasi oo uu kasoo horjeestay Safiir Tarsan.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaan weli ka hadlin arrintaas, hayeeshee wuxuu kusoo aadayaa xilli Somaliland iyo Kenya sannadihi la soo dhaafay kor u qaadeen xiriirkooda iyagoo heshiis iskaashina kala saxeexdeen labada madaxweyne Uhurra iyo Biixi.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com