HomeUncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo dalbaday in Imaaraadku joojiyo saldhigga Berbera.

Muqdisho, Feb 27 2017-Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dalka Sacuudiga Ka dalbaday In Imaaraadka Carabta ay joojiyaan Saldhigga Militari Ee Berbera.

DHAGAYSO:Qaybtii Labaad ee Marti-soor oo uu Marti-ku yahay Cali Khaliif Galaydh
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Cumar Laki Man.
Baahin: Isniin, Oct 31, Weriye Axmed Sh. Tallman ~ Daljir ~ Bossaso. Kalfadhiga 27-aad ee baarlamaanka Puntland oo maanta furmay; M/weyne Faroole oo ka hadlay amniga gobollada Puntland; Taliyaha ciidanka bilayska ee Puntland oo xilkii laga qaaday; R/wasaarayaasha Kenya & Somaliya oo kala saxiixday heshiis iskaashi ee la-dagaalanka Al-shabaab; Golaha wasiirada ee Puntland oo dood ka yeeshay geesi-socodka hannaanka dimuqraadiyadeed ee Puntland.

Muqdisho, Feb 27 2017-Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dalka Sacuudiga Ka dalbaday In Imaaraadka Carabta ay joojiyaan Saldhigga Militari Ee Berbera.

 

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa boqortooyada Sacdiiga ka dalbaday in ay dhex-dhexaadiyaan Soomaaliya iyo Imaaraadka, kana joojiyaan waddanka dambe damaciisa ah in uu saldhig militari ka sameyso magaalada xeebta ah ee Berbera.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa saldhigga military ee Imaaraadka kala hadlay kulan dhexmaray isaga iyo Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdicasis oo ah ku xigeenka ninka sugaya dhaxalka boqortooyada Sacuudiga, waxaa kaloo kullanka joogay wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga Caadil Axmed iyo madax kale.

 

Farmaajo oo Sacuudiga booqasho ku tagay Sacuudiga Khamiistii la soo dhaafay, waxaa muuqata in uu ka faa’ideysanayo xiriirka wanaagsan ee Sacuudiga iyo Imaaraadka, si Riyad ay Imaaraadka uga joojiso dhismaha saldhigga military ee Berbera.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0