Madaxweynaha Soomaaliya oo dalbaday in Imaaraadku joojiyo saldhigga Berbera.

Muqdisho, Feb 27 2017-Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dalka Sacuudiga Ka dalbaday In Imaaraadka Carabta ay joojiyaan Saldhigga Militari Ee Berbera.

 

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa boqortooyada Sacdiiga ka dalbaday in ay dhex-dhexaadiyaan Soomaaliya iyo Imaaraadka, kana joojiyaan waddanka dambe damaciisa ah in uu saldhig militari ka sameyso magaalada xeebta ah ee Berbera.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa saldhigga military ee Imaaraadka kala hadlay kulan dhexmaray isaga iyo Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdicasis oo ah ku xigeenka ninka sugaya dhaxalka boqortooyada Sacuudiga, waxaa kaloo kullanka joogay wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga Caadil Axmed iyo madax kale.

 

Farmaajo oo Sacuudiga booqasho ku tagay Sacuudiga Khamiistii la soo dhaafay, waxaa muuqata in uu ka faa’ideysanayo xiriirka wanaagsan ee Sacuudiga iyo Imaaraadka, si Riyad ay Imaaraadka uga joojiso dhismaha saldhigga military ee Berbera.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com