Wacaal darey ah: “Ma jiro heshiis dhexmaray Madaxweyne Xaaf & Madaxweyne Qoorqoor”

HomeWararka

Wacaal darey ah: “Ma jiro heshiis dhexmaray Madaxweyne Xaaf & Madaxweyne Qoorqoor”

Ilo wareed ka agdhow Madaxweyne Xaaf, garabka Galmudug ee Gaalkacyo, oo la soo xiriiray Radio Daljir waxa ay beeniyeen jiritaanka heshiis dhexmaray Xa

Wacaal Darey ah: Baarlamaanka oo ansixiyay Sharciga doorashooyinka
Banbax-howled u dhaxeeya hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo Muqdisho ka furmay
Jubbaland oo warsaxafadeed ka soo saartay Xayiradii sheekh shariif

Ilo wareed ka agdhow Madaxweyne Xaaf, garabka Galmudug ee Gaalkacyo, oo la soo xiriiray Radio Daljir waxa ay beeniyeen jiritaanka heshiis dhexmaray Xaaf iyo Qoorqoor, waxa ayna intaas raaciyeen in “Madaxweyne Xaaf uu berri subax arrinkaas war cad ka soo saari doono.”

Ilo wareedka Radio Daljir la soo xiriiray ayaa intaas ku daray in “warka heshiisku uu yahay marinhabaabin ay Villa Somalia ku marinhabaabinayso shacabka Galmudug, si aan looga hadal xasuuqii shalay ka dhacay Dhusamareeb ee ay geysteen ciidamada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, laguna xasuuqay dad kor u dhaafay 120 qof oo shacab u badan, laguna burburiyey hanti dowladeed iyo mid shacab.”

Qaybo kamid ah ciidamada loo yaqaan Haramcad ee DFS oo qayb ka ahaa hawgalkii Dhusamareeb ayaa shalay baraha bulshada soo dhigay muuqaal naxdin leh ayaga oo ku faanaya in ay u dheceen haddana bililiqeysteen agabkii iyo dharkii hoggaanka Ahlu Sunna (ASWJ). Hoos ka arag muuqaalka ay iska soo duubeen ciidamada Haramcad ee DFS.

Waa kuwan ciidanka Haramcad ee ay dawladu sheegtay in ay ciidan qaran yihiin. Waxaa la mid ah kuwii habeenkii 17 December 2017 soo weeraray xarunta Xisbiga Wadajir, kuwaasoo wax kale iska daaye dharkii iyo dhalooyinkii Barafuunka bililiqaystay. Waxay cadayn u tahay danbiyada dagaal ee goobtaas ka dhacay.

Posted by Abdirahman Abdishakur Warsame on Saturday, February 29, 2020

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: