Wacaal darey ah: “Ma jiro heshiis dhexmaray Madaxweyne Xaaf & Madaxweyne Qoorqoor”

Ilo wareed ka agdhow Madaxweyne Xaaf, garabka Galmudug ee Gaalkacyo, oo la soo xiriiray Radio Daljir waxa ay beeniyeen jiritaanka heshiis dhexmaray Xaaf iyo Qoorqoor, waxa ayna intaas raaciyeen in “Madaxweyne Xaaf uu berri subax arrinkaas war cad ka soo saari doono.”

Ilo wareedka Radio Daljir la soo xiriiray ayaa intaas ku daray in “warka heshiisku uu yahay marinhabaabin ay Villa Somalia ku marinhabaabinayso shacabka Galmudug, si aan looga hadal xasuuqii shalay ka dhacay Dhusamareeb ee ay geysteen ciidamada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, laguna xasuuqay dad kor u dhaafay 120 qof oo shacab u badan, laguna burburiyey hanti dowladeed iyo mid shacab.”

Qaybo kamid ah ciidamada loo yaqaan Haramcad ee DFS oo qayb ka ahaa hawgalkii Dhusamareeb ayaa shalay baraha bulshada soo dhigay muuqaal naxdin leh ayaga oo ku faanaya in ay u dheceen haddana bililiqeysteen agabkii iyo dharkii hoggaanka Ahlu Sunna (ASWJ). Hoos ka arag muuqaalka ay iska soo duubeen ciidamada Haramcad ee DFS.

https://www.facebook.com/AAbdishakur/videos/203347157550343/

Diiwaanka wararka

Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com