Ciidamada AMISOM oo dil iyo dhaawac ka geystey degmada Mahaday

Ciidamada AMISOM oo dil iyo dhaawac ka geystey degmada Mahaday

Wararka ka imanaya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ka howlgala degmadaas ay ku dileen hal ruux oo rayid ah mid kalana ku dhaawaceen kadib markii ay miino la qaraxday mid kamid ah gaadiidka AMISOM.

Gaarigan miinada la qaraxday ayaa marayay duleedka Deegaanka Buurane,waxana ciidamada AMISOM ay rasaas ku fureen dad xoolo dhaqato ah oo marayay meel aan ka fogeyn iyadoo rasaastaasina hal ruux uu ku geeriyooday halka mid kalana dhaawac culus uu ka soo gaaray.

Sida ay sheegayaan dadka ku nool degmada Mahaday ayaa dhibaato ku qaba ciidamada AMISOM gaar ahaan xilliyada ay la kulmaan miino dhulka lagu aasay.

Hore ayay ciidamada AMISOM dad ugu dileen halka kuwa kalana ugu dhaawaceen deegaano ka tirsan degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com