Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan la yeeshay Safiirka Talyaaniga

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan la yeeshay Safiirka Talyaaniga

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa kulan la yeeshay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga.

Kulankaan ayaa looga hadlay sidii dowladda Talyaaniga ay taageero u siin laheyd Maxkamadda Sare ee dalka.

“Waxa aan maanta kulan muhiim ah wada yeelanay Danjiraha Talyaaniga ee Somaliya, Mudane Alberto Vecchi, oo aanu ka wada hadlay arrimaha garsoorka, tayeyntiisa, hanaanka caddaaladda iyo asluubta iyo soo-celinta xidhiidhkii u dhaxeeyey Garsoorka Somaaliya iyo ka Talyaaniga” ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka.

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa taageero ka hesha dowladda Talyaaniga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com