Iran oo xayiraad dhanka kubadda cagta ah lagu soo rogay

Iran oo xayiraad dhanka kubadda cagta ah lagu soo rogay

War qoraal ah oo ka soo baxay xiriirka kubadda cagta ee Iran (IFF) ayaa lagu sheegay in sharci darro ay tahay in dhulka Iran laga mamnuuco ciyaaraha caalamig ah.

Xiriirka kubadda cagta ee Qaaradda Aasiya ayaa mamnuucay in dhulka Iran lagu ciyaaro kulamada ay isku arkayaan kooxaha Qaaradda Aasiya.

Kooxaha Iran ee kala ah Persepolis, Esteghlal, Sepahan iyo Shahr Khodro ayaa ka qeyb galaya koobka kooxaha Aasiya ee loo yaqaan AFC Champions League.

Madax xiriirka kubadda cagta Iran ee Heidar Baharvand ayaa sheegay in go’aankaasi laga yaabo in uu la xiriiro diyaaraddii Ukrain ee lagu soo riday Iran, iyo xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com