HomeUncategorized

DHEGEYSO-Howlgalo lagu burburinayo dhismayaal sharci darro ah oo Garowe kasocda.

Garoowe, Aug 20 2016--Dowladda hoose ee degmada Garoowe oo kaashanaysa howlgalka Danab Labo ee kasocda magaalada Garoowe ayaa saaka waxa ay bilowday burburinta dhul hab sharci darro ah ay dad u wareegsadeen.

Dhagayso Barnamajka Caawa iyo Daljir Khamiis 28 – April – 2016 – Wariye Khadar Cawl Ismaaciil (Studio Daljir Garowe)
Fanaanadda iyo aktarada Maraykanka ah ee Whitney Houston oo geeriyootay iyadoo 48 jir ah
Ra?isal wasaare saacid oo amaanay go?aankii maxkamada sare Britain ku hakisay qorshihii Barclays

Garoowe, Aug 20 2016–Dowladda hoose ee degmada Garoowe oo kaashanaysa howlgalka Danab Labo ee kasocda magaalada Garoowe ayaa saaka waxa ay bilowday burburinta dhul hab sharci darro ah ay dad u wareegsadeen. 

Burburinta cabirada waxaa ka qaybgalay gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne, duqa caasimadda Puntland Xasan Maxamed Ciise Goodir, saraakiisha ciidanka birmadka gobolka Nugaal iyo gaadiidka dowladda hoose oo shaqada qabanayey. 

Duqa degmada Garoowe Xasan Maxamed Ciise Goodir oo ugu horayn kahadlay madasha ayaa sheegay in howlgalkaani ay siiwadi doonaan ilaa guud ahaan magaalada ay ka dhammaynayaan cabirada sharci darrada ah. 

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne, ayaa dhankiisa bogaadiyey shaqada ay wadajirka u wadaan dowladda hoose iyo ciidanka birmadka gobolka Nugaal, wuxuuna ugu baaqay shacabka Puntland inay dowladda kala shaqeeyaan sugidda ammaanka iyo bilicda caasimadda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: