DHEGEYSO-Howlgalo lagu burburinayo dhismayaal sharci darro ah oo Garowe kasocda.

Garoowe, Aug 20 2016–Dowladda hoose ee degmada Garoowe oo kaashanaysa howlgalka Danab Labo ee kasocda magaalada Garoowe ayaa saaka waxa ay bilowday burburinta dhul hab sharci darro ah ay dad u wareegsadeen. 

Burburinta cabirada waxaa ka qaybgalay gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne, duqa caasimadda Puntland Xasan Maxamed Ciise Goodir, saraakiisha ciidanka birmadka gobolka Nugaal iyo gaadiidka dowladda hoose oo shaqada qabanayey. 

Duqa degmada Garoowe Xasan Maxamed Ciise Goodir oo ugu horayn kahadlay madasha ayaa sheegay in howlgalkaani ay siiwadi doonaan ilaa guud ahaan magaalada ay ka dhammaynayaan cabirada sharci darrada ah. 

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne, ayaa dhankiisa bogaadiyey shaqada ay wadajirka u wadaan dowladda hoose iyo ciidanka birmadka gobolka Nugaal, wuxuuna ugu baaqay shacabka Puntland inay dowladda kala shaqeeyaan sugidda ammaanka iyo bilicda caasimadda.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com