HomeUncategorized

AKHRI-Magacyada saraakiisha Alshabab ee lagu diley duqaymihii Jubbada dhexe.

Kismaayo, Aug 15 2016--Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Mareykanka ayaa dilay 30-dagaalamayaal ka tirsan Xarakada Al-shabab waxaana kujira hogamiye sare laba howlgal oo kala duwan kana dhacay Koonfurta Soomaliya afartii maalmod ee ugu dambeesay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo kormeeray Dekedda Muqdisho, (Sawiro)
“Maraakiib jiriif ah oo wata qalab casri ah ayaa ku jirta xeebaha Puntland, waxna kama qaban karno anagu” Wasiirka kalluumaysiga PL Eng, Maxamed Faarax Aadan
Muranka siyaasadeed ee maamulka Somaliland oo maraya meel xasaasi ah. [Akhris …]

Kismaayo, Aug 15 2016–Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Mareykanka ayaa dilay 30-dagaalamayaal ka tirsan Xarakada Al-shabab waxaana kujira hogamiye sare laba howlgal oo kala duwan kana dhacay Koonfurta Soomaliya afartii maalmod ee ugu dambeesay.

Mid kamid ah saraakiisha dowladda ayaa u  sheegay wakaalada wararka Shinwa in howlgaladaasi ay dhaceen 10-ka bishaan August waxana lagu bartilmaamaysaday 13-dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab oo ku sugneed degmada Sakow.

Waxa uu sarkaalkaani oo diidey in magiciisa lasheego in ciidamada Mareykanka oo taageraya ciidamada sida gaarka u tababaran ee Soomaaliya ay duqeyeen saldhig ay lahaayen Al-shabab oo Sakow ku yaalay waxana uu sababay duqeyntaasi geerida 30-dagaalamayaal,howlgalka labaad ayaa dhacay 13-ka August waxana kamid ahaa dadkii dhintay hogaamiyaal sar sare.

Sarkaal dhinaca amaanka u hadlay ayaa sheegay in loo maleenayo howlgalka in lagu dilay lagu hogaamiyaha Xarakada Al-shabab Abu Cubeyda, sarkaalka ayaa tilmaamaya in sidoo kale ay jiri karaan in howlgalka lagu dilay 3-ku xigeenadiisa waxana kamid ah afhayeenka Al-shabab Abu Muscab iyo qof magacisa lagu soo gaabiyay Abu Cumar.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: