13- ka tirsan Dagaal-yahanada Al-shabaab oo lagu Dilay Garmaal

Garmaal, Maarso 16, 2016 (Daljir) —Dowladda Puntland ayaa sheegay inay ka qabasadeen deegaanka Garmaal oo ku dhow degmada Eyl ee gobolka Nugaal ciidammo Al-shabaab ka tirsan oo habeen hore qabsaday.
 
Guddoomiyaha Gobolka Nugaal  ayaa sheegay in dagaalkii saakay dhacay ay ciidamada Puntland ku dileen 13-dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan, ayna deegaanka ka qabsadeen, isagoo xusay in xoogaggii Al-shabaab ay aadeeen dhinaca badda.
 
“Waxay ciidamada Puntland dileen 13 xubnood oo Al-shabaab ka tirsan, sidoo kale waxaa jira dhaawacyo kasoo gaaray dagaalka,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka oo aan sheegin khasaaraha dagaalkaas kasoo gaaray dhanka ciidamada Puntland ee dagaalka la galay.
 
Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in xoogaggii Al-shabaab ee ay la galeen saakay dagaalka ay tiradoodu gaaraysay 250 ruux, ayna ka adkaadeen, wuxuuna hadalkiisa ku daray inay deegaanno kale kusii wajahan yihiin ciidanka Puntland.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com