Warbixinta TARTAN & TACLIIN habeenkii 4aad: Goldogob Sare fkf Eyl Sare (dhegayso)

Warbixinta TARTAN & TACLIIN habeenkii 4aad: Goldogob Sare fkf Eyl Sare (dhegayso)

***

SOMTEL | share your world | Soomaaliya oo dhan | Ha moogaan, ka qaybqaado, su’aalaha SOMTEL ka jawaab, abaalmarin ku guuleyso, oo Kadiska TARTAN & TACLIIN kala soco Radio Daljir!

***

 

Barnaamijka Tartan & Tacliin oo si toos ah uga biloowday Radio Daljir, xarunta Daljir Bossaso, ayaa galay habeenkii 4aad, sannadkii 13aad. TARTAN & TACLIIN waxaa maalgaliya Shirkadda SOMTEL iyo Jaamacada Badda Cas.

Kadiska caawa iyo TARTAN & TACLIIN waxaa qaybtii hore ku tartamay Goldogob Sare iyo Eyl Sare.

Qaybtii labaad ee Tartan & Tacliin waxaa ku tartamay Muntada Sare Burtinle iyo Shiikh Daahir Xasan Sare Cagaaran.

Inta uu socdo barnaamijka Tartan & Tacliin habeen walba waxaa dhex socda su’aalo ku saabsan adeegga bulsho ee shirkadda isgaarsiinta SOMTEL oo maalgalisa kadiska T&T. Su’aalaha oo looga jawaabayo hannaanka farriin qoraaleedka ama ‘text message’ ayaa wata abaalmarino. Ha moogaan, ka qaybqaado, su’aalaha SOMTEL ka jawaab, oo abaalmarin ku guuleyso, oo Kadiska TARTAN & TACLIIN kala soco Radio Daljir!

Habeen dambe Tartan & Tacliin, qaybta hore waxaa ku tartami doona Bursaalax Sare iyo Dangaroyo Sare; halka qaybta labaadna ay ku Tartami doona Xaaji Cabdullahi Ballidhidin iyo Cabdirashiid Cali Sharmaarke Sare Gaalkacyo.

Barnaamijka Tartan & Tacliin waxaa suurtagaliyey Shirkada SOMTEL | share your world iyo Jaamacada Badda Cas, waxaana qayb ka ah Dalladda Waxbarasha PEN iyo Wasaarada Waxbarashada Puntland iyo waliba Radio Daljir.

Hoos ka dhegayso.

Audio Player

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com