Wacaal daray ah: kenya oo xiriirka u jartay DFS

Wacaal daray ah: kenya oo xiriirka u jartay DFS

Dowlada Kenya ayaa dib ugu yeertay safiirkeedii dalka Soomaaliya iyadoo sidoo kale ku amartay safiirka dowlada Soomaaliya uga wakiilka ah dalka Kenya inuu ka baxo dalka Kenya.

Warkan oo goordhow soo baxay ayaa waxaa la sheegayaa in tallaabada ay dowlada Kenya qaadatay ay la xiriirto iyadoo aaminsan in dowlada Soomaaliya ay ku dartay xaraashkii ay ku sameysay shidaalka iyo gaaska Soomaaliya deegaano ka mid ah dalka Kenya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya iyadoo xiriirka labada dal uu soo wanaagsanaanayay bilihii la soo dhaafay.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhowaan magaalada London ku so bandhigtey kheyraadka shidaalka iyo gaaska ee ku jira gudaha dalka iyadoo siyaasiyiinta mucaaradka ahna ay ku tilmaameen kulankaasi inuu ahaa mid lagu xaraashayay shidaalka dalka Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhexeeya muran salka ku haya lahaanshaha qeybo ka mid ah badweynta Hindiya iyadoo dacwadaasna ay taal Maxkamada Caalamiga ah ee ICJ.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NUURKANEDERLAND 5 years ago

    KKK WAXAA KU FILAN SIMPLE JAADKA OOLAGA JOOJIYO,
    OK.
    KENYA HOREY NFD BAA UGU MAQNAYD UJEEDKA DIGTA & DAMTUNA WAA IN SOMALI AY U XALAALAYSO NFD WHY?WADNAHA BAY FARTA KU HAYSAA KENYA,XAQIQDIINA WAA DHABB IN YAR & WEYN NAGU WEYNTAHAY NFD,OK.
    KENYA WAXAY RABTAA CASHARKKII1977 AANU SIINAY ETHIOPIA IN IYADANA LASIIYO,XAQIIQ WAA BIXIN NAQAANAA CASHARADAAS.
    OK.HA ILAWIN DIGNIINTAYDII:-
    ISIS=ISRAELI SECRET INTELLIGENCE SERVICE.
    IS NOT MUSLIMS

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com