Soomaaliya oo kaalinta ugu hooseysa ka gashay dalalka uu musuqa hoos u dhigay dimuqraadiyadda

Hay’ada Daah-furnaanta Caalamka ee loo yaqaano Transparency International, ayaa soo saartay Warbixin diirada lagu saarayo waxyeellada musuqa uu ku hayo dalalka Caalamka iyo sida ay tahay in looga hortago.

Warbixintan oo ah mid Sanadkiiba mar soo baxdo, ayaa waxaa sanadkii dhamaaday 2018 uu ahaa Sahan ay Hay’adda ku sameysay 180 wadan oo Caalamka ah, kuwaasoo loo kala saaray kuwa uu naafeeyay musuqa iyo kuwa ka guuleystay ee dagaalka xooggan la galay.

Sida ku cad warbixintan Transparency International Soomaaliya ayaa ah wadanka kaalinta ugu hoose ka gashay Liiska dalalka uu hoos u dhigay musuqa Dimuqraadiyadda, waxaana ay keentay 10 dhibcood ama 10%, Sidaas waxaa lagu sheegay warbixintan, waxaana Jaantuskan cusub uu muujinayaa in 90% uu musuqa saameeyay Soomaaliya.

Wadamada Suuriya iyo Koofurta Suudaan ayaa helay min 13 dhibcood, halka Yemen iyo Waqooyiga Kuuriya ay heleen min 14 dhibcood, dalalka Afghanistan iyo Sudan ay heleen min 16 dhibcood.

Gobolka ugu musuqa badan Caalamka ayaa lagu sheegay inuu yahay waddamada ka hooseeya saxaraha Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay, waxaana ay tiradoodu gaareysaa 32 dal.

Hay’ada Transparency International ayaa dhinaca kale soo bandhigtay dalalka ugu horeeyay ee ka guuleystay Musuqa, waxaana ka mid ah Denmark oo keensatay 88 dhibcood iyo New Zealand oo la timidi 87 dhibcood.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Soomaaliya oo kaalinta ugu hooseysa ka gashay dalalka uu musuqa hoos u dhigay dimuqraadiyadda”

  1. NUURKANEDERLAND

    OO MA DAWLAD SOMALIYED OO XORA BAA JIRTA?
    ADEER SOMALIYA WAA DAL KU JIRA GACAN GUMEYSI,MEESHA LAGA MAAMULAANA XITAA ALSHABAB-keeda & ISIS-teeda WAA XALANRE & BALIDOGLE.
    XAQIIQDU WAA TAAS.
    FALSE FLAG.
    FAKE GOVER…

U Jawaab NUURKANEDERLAND Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com