
Bandar Bayla Oct 25-2012, Duqa degmada Bandarbayla ee gobolka Bari Md Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Aanteeno) oo la hadlay Radio Daljir ayaa sheegay in Roob xoogan oo Duufaano iyo Dabaylo wataa uu maanta ku hoorray degmadaaasi.
Duqa Degmadu wuxuu sheegay in Roobku ?bilowday gelinkii hore ee maanta (Khamiis 25-Oct-2012) kaasoo xiliguu bilowday ahaa mid kusoconaya xawaare gaaban, hase ahaatee wuxuu sheegay in gelinkii danbe Roobku noqday mid aad u xoogbadan oo sababay inay guryo badan dumaan.
Roobkan ka curtay degmada Bandar Bayla ee gobolka Bari ayaa kusoo beegmay xili saacadihii lasoo dhaafay digniin ay jeediyeen hay’adaha Saadaasha hawada oo tilmamay in roobab dabaylo wataa ku soo wajahan yihiin gobolka Bari.
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir?
(B)
Audio Player
COMMENTS