Puntland oo xaalad dagaal gashay iyo awaamiirta Guddiga Amniga

Puntland oo xaalad dagaal gashay iyo awaamiirta Guddiga Amniga

Guddiga Difaaca Puntland ayaa maanta soo saaray qoraal lagu amrayo in dhammaan laamaha amniga Puntland ay joojiyaan isu socodka gaadiidka Garoowe iyo Laascaanood, iyo dhammaan goobaha la filayo in uu dagaal ka qarxi karo daqiiqad kasta.

Soomaaliland ayaa biloowgii sannadkaan 2018 waxa ay ku soo duushay qaybo kamid ah gobolka Sool. Culimada iyo qaar siyaasiyiinta Hargeysa ayaa ku baaqay in la joojiyo collaadda karkareysa ee Puntland iyo Somaliland, saas oo ay tahay marna culimada Somaliland kuma ay baaqin, mana ay soojeedin in Somaliland joojiso duullaanka ay ku hayso Puntland, kana baxdo dhammaan goobihii ay qabsatay biloowgii sannadkaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa mar uu u jawaabay baaqa culimada waxa uu yiri, “waa waajib diini ah in dadka iyo deegaanka lagu soo duulay la difaaco.”

Amarka qoran ee Guddiga Amniga Puntland ayaa si gaar ah u tilmaamay in la xannibo dhammaan gaadiidka shidaalka ee isaga kala goosha magaalooyinka Laascaanood iyo Garoowe. Sidoo kale waxaa la faray in la cesho dhammaan shacabka u kala socda labada gobol iyo dhammaan goobaha la filayo in colaaddu ay ku sii fiddo.

Wararka Radio Daljir ka helayso jiidda hore ee ciidamada Puntland ayaa waxaa laga dareemayaa diyaargaroow saa’id ah iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo aan innaba horey loo arag. Waxaa jiidda hore ee ciidamada ku sugan Madaxweyne Kuxigeen Camay iyo dhammaan hoggaanada kaladuwan ee Ciidamada Difaaca Puntland. Sidoo kale, waxaa wararku sheegayaan in saraakiil hore oo ay kamid yihiin Janaraal Careys iyo Khaliif Ciise Mudan ay ayana qayb ka yihiin talada iyo hoggaanka dagaalka.

Madaxweyne Kuxigeen Camay iyo golihiisa dagaalka Sool ayaa saddexdii asbuuc ee la soo dhaafay waxaa fadhi u ahaa jiidda hore ee  Ciidamada Difaaca Puntland.

Wariyaha Radio Daljir ee jiidda hore oo waraystay qaar saraakiisha hoggaanka Ciidamada Difaaca Puntland ayaa noo xaqiijiyey in la filan karo colaad qaraxda daqiiqad kasta, ayna Ciidamada Difaaca Puntland haystaan amar buuxa oo lagu difaacayo dadka iyo deegaanka Puntland.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sidii u u qabsaday talada Somaliland waxa uu ku baaqay in la soo xiro xuduudaha Somaliland. Sidoo kale, waagiisii olalaha Somaliland waxa uu Muuse ka dhawaajiyey hadalo cadiifadeysan, ahaana hanjabaado ka dhan ah qabaa’ilada deegaanka Puntland, Jubaland iyo kan dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Shiikh Dirir oo maalinkii Jimcaha khudbadiisa ay ku jirtay in la joojiyo colaadda iyo dagaalka Puntland iyo Somaliland ayaa si dadban farta ugu fiiqey in aysan jirin xudduud u dhexeysa dadka Soomaaliyeed, tii gumeystuhuna ay tahay waxba kama jiraan. Shiikh Dirir ayaa ku jira wadaadada farakutiriska ah ee u dooda gooni-isu-taaga Somaliland.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 26
  • Kkkkkkk aar wxani waa fulay

  • Putlnd guuul guuul. Cadowgiin hajapo. Geesiyada putland. Cidwaxkaqaadi krtamlaha. Gulysta waligiiin aamiin

  • Abdi Qadir Moha bowe nimanka dhulka daga dhulkoodo tukaraq ma ahan dhulkii dhulbahnte meshuu jiro hadaan lays indha tirayn waan ognahy cid duulaan kugu ahna malahn iyagaa awalba keenay so durkidan tukaraq msjeerteen inuu growe ku ilaashaduu rabaaye dhulkii dhulbahnte wuu ogydhy meshuu jiro wayna ogyihiin in dadkii lahaa dafkan wataan so is daji ban ku oran xaqiiq la ogyhy yaan layska indha tirin

  • Guuul war jiif caaqil halaga gaaro

  • Qofkii soo joog laga waaye soo jiifso laga helaa… Dadka intaas oo km usoo maray in aay dadkale ku amar taagleeyaan , hadaan nahay Reer puntland Nabada na deeqda waana sumada yada laakiin nina mayeelo aan afka faraha kaa galiyo waliba adoo dhamaays ah .. Dr-Haykal Abdi waa xaq in umada laga khabtaa wixii qori wax kudoonaya#

  • Sxb ma aqoonyahnkii adigii ahaa ba dagaal ka talinya allow kala qsbooji

  • Siciid Barre Afnugaal
    Bal usheeeg yaaa la xoraynayaa cida hysta gobolka sool dadka wanaqaan ma ina ali koore iyo farton baa laga xorayn laascanood oo loo xorayn ina camey

  • Cubayd Abdulahi cubayd saxib SL inaan xoreysto rabaa markaas laysku kaaya darin Nabad Iyo Nolal Ku Biireynaa

  • Hhhhhhhhhh ragu waa nbd iyo nolol reer faakhland iyo reeer buuqland dagaal joojiya dagaaalka dalka nabd baaa deeqda

  • War Nacalaaaye Love Ku qabo. Awey Ninkaa Ahaa Abdi Jamaal. Mid jabuti kasoo tagayaa u ekahay anih

  • Reerka meesha ha ku lugaynina Waa iga talo.
    Somaliland waxa ay leedahay ciidan qaran oo shaqaynaayey in ka badan 25 years.

  • Nacalaa sheydaan ku yaale naga daa waxa lama eegan karo Jiif caaqil Hoolif ooo tola ayeey leh oo barooranaya ee naga rida bahasha waaba nagu raagteye!

  • Dagaal wn ka daal nay sxyal jooji! Dagal yana la dhiri gilin

  • jaahilninmo hadaad maqshid waa taas oo kle somaali masaas baa u damaysay tolaw yaa habaaray

  • Guul bn karajeynaynaa iyo dalkoo cadowga soduley laga xoreeyo

  • Puntland xuduudeeda waa in lasoo xiraa waa labida

  • Mohamed Abdullahi Qalab Qalab

  • Ilahay kabaqa ramadaan ba lagu jiraaa colaada hurinaysan joojiya

  • Guulaystaa

  • Kadaya dhibatada aad kuwadn shacbka
    Dhig ladaadiyo madonynyo wlyal

  • Guul inshaa alaah

  • Puntland guul puntland o guuleesato wa somaliya o guuleesatay difaac bad u tihiin soomaaliya

  • Meshan ma idaacadbaa mise waa xarun colaada laguhorsho

    • Waa ku waajib inay dalka cadowga ka difaacan dhigooda waxay isku so sawirayeen suubaaan

    • Inuu cadaw jiro ma moodo balse cilad baaasoon aadan ogeeyn ayaa cadaw kuuu yeeshay #QurunqabiiL

  • puntland guuuuuuul iyo gobanimo

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com