Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal (Daawo|Sawiro)

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal (Daawo|Sawiro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar shaqo ku jooga dalka Qatar ayaa maanta wada hadallo la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thaani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya iyo isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha.

Kulanka Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa lagu lafo-guray siyaabihii ay Dowladda Qatar gacan uga geysan lahayd xoojinta amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha Ciidamada Qalabka sida, iyo sidii ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri lahayd mashaariicda arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Labada dhinac ayaa waxay sidoo kale isla meel dhigeen in Dowladda Qatar xoogga saarto maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysiga, xoolaha, beeraha iyo tamarta oo qayb weyn ka qaadan doona abuuridda fursado shaqo oo ay ka faa’idaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Abdulqadir Tallman 5 years ago

    QATAR IS A GREAT FRIEND OF SOMALIA. QATAR WANTS TO HELP THE SOMALI PEOPLE.

    SADLY, IN THE FICKLE, INCOMPETENT AND HOPELESSLY CORRUPT SOMALI GOVERNMENT, QATAR HAS NO RELIABLE INTERLOCUTOR (COUNTERPART).

    MONEY INTENDED FOR DEVELOPMENT PROJECTS EITHER GOES INTO PRIVATE POCKETS OR IS USED TO BRIBE MEMBERS OF PARLIAMENT.

    REMEMBER WHEN WHEN THE PARLIAMENTARY FINANCIAL AND ACCOUNTING COMMITTEE BLOW THE WHISTLE, THE COMMITTEE WAS DISSOLVED AND THE PARLIAMENT SPEAKER’S VERY EXISTENCE WAS THREATENED, AND HE HAD TO FLEE HIS RESIDENCE IN FEAR FOR HIS LIFE.

    MOGADISHU GOVERNMENT LEADERS ARE CRUDE AND INCOMPETENT MAFIOSI.

    THE DILEMMA FOR QATAR IS: HOW CAN WE ENTRUST VAST SUMS OF MONEY INTO THE HANDS OF THESE INCOMPETENT AND CORRUPT SOMALI LEADERS.

    WILL THE MONEY BE USED TO FUND DEVELOPMENT PROJECTS OR WILL THE MONEY BE USED FOR PERSONAL AND BRIBERY PURPOSES?

    PARTICULARLY NOW THAT FARMAAJO IS LOCKED IN A CRITICAL BATTLE WITH PRIME MINISTER KHEYRE. FARMAJO AND HIS CLAN WANT TO DISCARD KHEYRE, APPOINT A NEW PREMIER AND BUY NEW ALLIES. FARMAAJO NEEDS A LOT OF CASH FOR LIFE-AND-DEATH- STRUGGLE WITH PRIME MINISTER KHEYRE AND WITH THE MURUSADE CLAN.
    FARMAAJO IS FOOLISHLY TRYING TO CHANGE A COMMANDING GENERAL IN THE MIDDLE OF A DECISIVE BATTLE.

    THAT IS WHY HE FEELS THE NEED FOR A SEA OF MONEY FOR BRIBERY.
    QATAR IS VERY RICH. QATAR IS MAGNANIMOUS. BUT QATAR IS NOT STUPID.
    ================================================
    Dawladda Qatar kuma aamineyso Farmaajo iyo saaxiibbadiis lacag badan oo lagu fuliyo mashiiriic waaweyn.

    Inkastoo sii gilgilid ah wax loo weydinaayo Qatar oo laga rabo inay dhiibto hanti buuran oo qaarna la xado, qaarna loo isticmaalo laaluush ahaan, haddana Qatar oo ah saaxiib
    daacad ah ee dadka Soomaaliyeed, waxay iska ilaalineysaa in laga qaado lacag ama la xadayo ama loo isticmaalayo laaluush ahaan.

    Dekedda Hobyo Qatar waa dhiseysaa. Hawlo kale oo horumarineedna dalka waa ka qabaneysaa.

    Hayeeshee Qatar waxay iska ilaalineysaa inay lacag caddaan ah faraha u geliso madax ku caan baxday musuqa, xatooyada iyo laaluushka ee maanta ka jirta Somalia.

    Dawlad hufan, dawlad karti leh, dawlad la isku halleyn karo oo
    qumman, haddii ay ka jiri laheyd Somalia, Qatar dalkoo dhan bay janno ka dhigi laheyd.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com