Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxa Midowga Shirkadaha Shiinaha ee Africa (Sawiro)

HomeWararka

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Madaxa Midowga Shirkadaha Shiinaha ee Africa (Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15 January 2019 xafiiskiisa ku qaabiley madaxa midowg

Guddoomiyaha Aqalka Sare DFS oo kulan la qaatay Danjire Michael Keating
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka wadamada Carabta.
Muqdisho: Xisbiga Wadajir oo ka hadlay dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashooyinka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15 January 2019 xafiiskiisa ku qaabiley madaxa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa Mr. Qian Xian iyo wafti la socdey.

 

kulankan uu Madaxweynaha Puntland la qaatay madaxa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa oo fadhigoodu yahay Ethopia Mr. Qian Xian iyo waftiga la socdey ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayey saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

 

Midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa oo fadhigoodu yahay Ethopia ayaa madaxweynaha Dowladda Puntland kala hadlay maalgashi ganacsi oo ay doonayaan shirkadahaasi inay Puntland ka sameeyaan, isla’markaasna shirkadahaasi ay wada shaqayn wanaagsan oo dhinacyo badan taabanaysa ay ula yeelan lahaayeen Dowladda Puntland.

 

Dhinaca kale madaxa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa ee fadhigoodu yahay Ethopia Mr. Qian Xian ayaa Puntland ku amaanay horumarka iyo biseylka siyaasadeed ay gaaratay, waxaana uu tusaale u soo qaatay sidii ay u qabsoontay doorashadii ka qabsoontey Puntland 8 January 2019 iyo sidii hufnaanta lahayd ee madaxda Puntland ay shalay xilka ula kala wareegeen.

 

Ugu danbeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ka duulaya horumarka iyo kobaca dhaqaalaha wadanka ayaa midowga shirkadaha Shiinaha ee Africa u sheegey in Puntland ay mar waliba diyaar la tahay sidii ay wada shaqayn dhow ula yeelan lahaayeen shirkadahaas.

 

DHAMMAAD-

Sawiro.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • nuurkanederland 5 years ago

    CHINE WAXAY U NOQOTEY AFRICA MEEL DIHIN OO UU ISKA DHUUQO LKN OGOOW $60BLYN BUU U QAYBIYEY 2018 AFRICA.
    XAQIIQDIINA WAY KA MUUQATAA AFRICA WAXQABADKA CHINA.
    JIDADKA,WARSHADAHA,KORONTADA,GAROOMADA,BEERAHA UU AFRICA U SAMERYE CID KALE OO U SAMAYSAY AFRICA OO AAN CHINE AHAYN MA JIRTO.
    WELCOME CHINE.KII NALA XOOGSADA UUN BAA WAX NOO AH..

DISQUS: