Ciidamo Mushaar la’aan ka cabanaya oo saxaafadda la hadlay

Ciidamo Mushaar la’aan ka cabanaya oo saxaafadda la hadlay

Qaar ka mid ah ciidamada xoogga dalka ee ku sugan magaalada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ayaa ku hanjabay inay isaga bixi doonaan magaaladaas haddii aan la siin mushaar iyo raashin ka maqan muddo afar bilood ah.

Ciidamadan oo watay gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa duleedka magaalada Baraawe waxa ay kula hadleen weriyaasha iyagoo sheegay in ay madaxda qaranka ka sugayaan jawaab deg-deg ah, muddo saddex maalmood gudahood ah haddii ay ka waayaana ay isaga baxayaan degmada Baraawe.

“Waxaan joognaa degmada Baraawe shan san iyo afar bilood,waxaana hadda naga maqan mushaar iyo raashin muddo afar bilood ah,qof baahana ma difaaci karo cadowga deyna waa naloo diiday maqaayadaha magaalada.”ayuu yiri mid kamid ah ciidamada xoogga dalka.

Ciidamadan ayaa sidoo kale sheegay inay haysato dhibaato u gaar ah oo ay ka mid yihiin in wixii saad ah loogu keeno badda.

“Mushaarkeenu waxa uu ahaa boqol dollar, askarina ka cabanayo ma jiro, balse labo askari oo waardiye isla galaya midna lacag ayaa u soo dhacayso midna waxba ma haysto,dowladu ha raadiso halka xaqeena uu jiro.”ayuu yiri askari ka mid ah ciidamada xoogga dalka ee ku sugan magaalada Baraawe.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Abwaan sharmarke dahir abwan kumiye 5 years ago

    Waa wax lava xumaado cidamada bilaa mushaharka ah askari dayacani qaran madifaaco w

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com