Ciidamadda Asluubta Soomaaliyeed  oo u dabaaldegaya sanadguurada 49-aad

HomeWararka

Ciidamadda Asluubta Soomaaliyeed oo u dabaaldegaya sanadguurada 49-aad

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal-degaya sanadguurada 49-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda, iyadoona munaasabad lagu weynayo maa

MAANHADAL: Dagaalka Puntland iyo Somaliland & Xoreynta Gobalka Sool (dhegayso)
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa daah furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare
Wasiir Fowsiya Abiikar Nuur: “Markale waxa aan soo jeedinay in xayiraadihii lasoo rogo si looga hortago faafidda heerkeedu si kordhayo ee hadda aan arkayno”

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal-degaya sanadguurada 49-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskooda, iyadoona munaasabad lagu weynayo maalintaasi qaban-qaabadeedu ka socoto magaalada Muqdisho.

Munaasabad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay kana dhaceysa xarunta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ciidan.
Madaxda dalka iyo saraakiisha ciidamada ayaa hambalyo ku aadan sanadguurada 49-aad ee aas-aaska ciidanka asluubta Soomaaliyeed u diray ciidanka asluubta Soomaaliyeed iyo madaxdooda.

Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo la aas-aasay 1970kii ayaa waxay qeyb ka yihiin ciidamada qaranka uu dalka leeyahay, iyagoona si gaar ah gacanta ugu haya xabsiyada iyo dhaqan celinta maxaabiista.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: