Kismayo,Mar 9 -Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo garabsanaya militeriga dalka Kenya iyo kooxda Al-Shabaab ayaa ku dagaalamay deegaan u dhow degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.
Col. Maxamed Daahir Afrax oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolada Jubooyinka ayaa u sheegay Radio Daljir inay dagaaladu ahaayeen kuwo xoogan oo la isku adeegsaday hubka culus.
Waxaa uu sheegay dagaalada inay kula wareegee fariisin ciidank oo ay ururka Al-Shabaab ku lahaayeen deegaan kaabiga ku haya Afmadow,waxaana uu sidoo kale sheegay dagaaladu inay sii wadayaan inta ay gobolka ay kaga sifeyn doonaan ururka Al-Shabaab ee dhowaan ku biiray Al-Qaacidda.
Ciidamada dowladda Kenya,dowladda Soomaaliya ayaa bilihii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaq wadajir ah oo ay kaga soo horjeedaan ururada Al-Shabaab iyo Al-Qaaciadda ka waday deegaano ka mid ah koonfurta Soomaaliya.
Diiwaanka Wararka
Daljir,Bossaso.
COMMENTS