
Ceelbuh, December 29, 2013 – Degmada Ceelbuh ee gobolka Sanaag waxaa ku dhintay toddobo caruur ah oo uu haleelay cudurka shuban biyoodka, sida aan ka soo xiganay howlwadeenada caafimaadka degmada.
Caruur intaas ka badan ayaa sidoo kale la il daran xanuunka oo dhowaan ka dilaacay deegaanka, sida uu sheegay Cabdi mire Cali oo ka tirsan shaqaalaha caafimaadka degmada.
?caruurta dhimatay dhamaantood waxay jireen Bil ilaa hal sano.? Ayuu yiri Cabdi Mire
Degmada Ceelbuh ma leh goobo caafimaad oo lagu daaweeyo caruurta iyo dadka xanuunada deg deg? ah ay ku dhacaan, Cali Mire oo daljir la hadlayey ayaa sheegay in caruurta xanuunsan ay aad u liitaan.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
Dhegeyso:- Aamina Ladan oo daljir ka tirsan ayaa waraystay howlwadeen Cabdi Cali Mire
Audio Player
COMMENTS