IRAN: Ayatollah oo magacawday Taliye cusub

HomeWararka

IRAN: Ayatollah oo magacawday Taliye cusub

Dowladda Iran ayaa Brigadier Jenaraal Ismaaciil Qaani u magacawday Taliyaha cusub ee Ciidanka Quds ee dalka Iraq, kaddib markii la dilay Taliyihii hor

RW Rooble oo u safray dalka Masar
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay sharcinnimada kursigiisa
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal (Daawo|Sawiro)

Dowladda Iran ayaa Brigadier Jenaraal Ismaaciil Qaani u magacawday Taliyaha cusub ee Ciidanka Quds ee dalka Iraq, kaddib markii la dilay Taliyihii hore ee Jeneraal Qaasim Soleymaani.

Taliyaha Cusub ee la magacaabay ayaa ahaa kuxigeenkii Jeneraal Qasem Soleymani, waxa uuna horey u hogaamin jiray kooxaha kala ah Nasr iyo Imam Reza dagaalkii u dhexeeyey Iraq iyo Iran.

Xiisad xoogan ayaa ka soo dhex cusboonaatay dalalka Mareykanka iyo Iran, iyadoo Iran ku hanjabtay in ay u aar gudi doonto Jeneraalka la dilay.

Mareykanka ayaa ku eedeeyey Jeneraal Qasem Soleymani in uu waday weeraro ka dhan ahaa danaha Mareykanka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 2
  • Jowhar 4 years ago

    https://www.daljir.com/ayatollah-oo-magacawday-taliye-cusub/

    Dowladda Iran ayaa Jenaraal Ismail Qaani u magacawday Taliyaha cusub ee Ciidanka Quds ee dalka Iraq, kadib markii la dilay Taliyihii hore ee *Jeneraal Ayatollah Ali Khamenei..*

    Xiisad xoogan ayaa ka soo dhex cusboonaatay *dalalka Mareykanka iyo Iraq* , iyadoo Iraq ku hanjabtay in ay u aar gudi doonto Jeneraalka la dilay

    Fadlan saxa warka kore.

  • halkaaa iska hubi.
    generalka la dilay Ali Khamenei mahan waa Qasin Solaimani

DISQUS: