HomeUncategorized

Kulan looga hadlayey ammaanka caasimadda oo kadhacay madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casho sharaf ugu sameeyay Xarunta Madaxtooyada, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Caawa iyo Daljir_Sabti Nov 10-2012, Cabdirisaaq Cali Cabdi (Silver)_Daljir Galkacyo HQ
Baahin: Salaasa, 3 Dec, 2013 -Caawa Iyo Daljir Weriye Xaliimo Sacdiya Cabdilaahi Cali~ Daljir ~ Garowe
Baahin: Axad, Jun 26, Weriye C/fitaax C. Geedi ~ Daljir ~ Galkacyo. Munaasabado lagu maamuusay xuska 26-ka June oo ka dhacay gobollada Somaliya aan ka ahayn Somaliland; Taariikh-nololeedka Dambi-baare C/salaam Cali Saylaan oo lagu dilay Galkacyo; D/Sare ee Manaaratul Baydaa ee Bossaso oo qaaday koobka kubadda cagta ee Dusgiyada Sare ee Puntland; Warbixin ku saabsan weerar xalay lagu qaaday fariisin ciidanka Somaliland ay ku leeyihiin duleedka Widhwidh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa casho sharaf ugu sameeyay Xarunta Madaxtooyada, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa hadal uu u jeediyay guddoomiyeyaasha, waxaa uu ku ammaanay shaqada wanaagsan ee ay hayaan iyo horumarka ay gaareen, balse looga baahan yahay inay gaaraan horumar ka ballaaran kan ay hadda ku tallaabsadeen ee dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

“Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad dadaalka xoojisaan. Dakhliga aad uruurisaan waa inaad nidaamisaan, lana marsiiyo nidaamka maaliyadeed ee isla xisaabtanka, iyadoo la kordhinayo fulinta mashaariicda horumarinta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha’’, ayuu yiri Madaxweynaha
.
Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha ka dalbadey guddoomiyeyaasha degmooyinka inay ka shaqeeyaan bilicsamida caasimadda, maadaama Muqdisho ay tahay muraayaddii dalka.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale hadal ka jeediyay Guddoomoyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, isagoo ka warbixiyey waxqabadka maamullada degmooyinka gobolka.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: