HomeUncategorized

Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya oo gaarey wadanka Koonfur Africa,

(July 13 2016)-Gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, inkastoo aan lashaacin ujeedada dhabta ah ee safarka gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya.

Ururka shabaab oo sheegay in ay weerar ku qaadeen safarkii Madaxweynaha iyo dowladda oo beenisay
?Ma ahan macquul, waana xad-dhaaf sida ay warbaahintu u xayaysiiso caanaha laga keeno dalka dibadiisa, waa in la xayaysiiyaa caanaha naaska hooyada? Dr. Cali C. Warsame.
RW Rooble oo Magacaabay Xubin Muhiim ah

(July 13 2016)-Gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa gaaray magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, inkastoo aan lashaacin ujeedada dhabta ah ee safarka gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya.

Pro Jawaari gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Garoonka Diyaaradaha magaalada Johannesburg waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika iyo qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Mar uu warbaahinta la hadlayey gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu soo gaaro dalka Koonfur Afrika, waxaana uu sheegay in safarkiisa uu ahaa mid kedis ah.

Gudoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika waxa uu kulamo la qaadan doonaa Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya iyo Madaxda Koonfur Afrika, isagoo kala hadli doona dhibaatooyinka loo geysto Soomaalida ku nool dalkaasi.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: