HomeUncategorized

Golaha ammaanka oo diidey in AMISOM la hoosgeeyo Qaramada Midoobey.

(July 10 2016)-Golaha ammaanka ee qaramada Midoobey ayaa si rasmi ah u qaadacay codsigii dhowaan madaxweynaha dalka Kenya u gudbiyey qaramada Midoobey ee ku aadanaa in howlgalka AMISOM ee Soomaaliya la hoosgeeyo Qaramada Midoobey.

DHAGEYSO: Ciidamo ka tirsan dawladda Soomaaliya oo lagu weeraray Suuqa Bakaaraha
“Dadka hadda u shaqaynaya dawladda ha labba-jibaareen shaqada amaan ee ay hayaan aad bay u liidataa” Xil. Seeko
Puntland oo qorsheyneysa guluf ka dhan ah burcad badeeda Somalida ah ee ka ugaarta badweynta Hindiya.

(July 10 2016)-Golaha ammaanka ee qaramada Midoobey ayaa si rasmi ah u qaadacay codsigii dhowaan madaxweynaha dalka Kenya u gudbiyey qaramada Midoobey ee ku aadanaa in howlgalka AMISOM ee Soomaaliya la hoosgeeyo Qaramada Midoobey.

Waxaa qaraar meelmariyey 15 xubnood ee golaha ammaanka iyagoona isku raacay in xaalada Soomaaliya ee haatan aysan ku haboonayn in ciidamo Qaramada Midoobay ka socda la geeyo Soomaaliya.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo dhowaan wadanka Belgium-ka kula kulmay xoghayaha guud ee qaramada Midoobey Ban Ki Moon ayaa ka codsaday in AMISOM laga wareejiyo Midowga Africa lana hoosgeeyo qaramada Midoobey.

Howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM ayaa ilaa sanadkii 2007, waxa uu hoos joogey midowga Africa waxaana taageero dhaqaale siiya midowga reer Yurub oo dhowaan dhimay dhaqaalihii ay siin jireen.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: