HomeUncategorized

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay qaraxii Hotel Ambasador

Muqdisho June 2 2016 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda aanay marna ka daali doonin dagaalka lagula jirao argagixisada.

Olole lagu joojinayo xaalufinta deegaanka & gubista dhuxusha oo ka socda dhul daaqsinka gobollada Sool & Sanaag.
Madaxweyne Gaas oo Kormeeray Xarumo ku yaalla Kismaayo
Dowladda Soomaaliya iyo Madaxda maamulada Dalka oo Heshiis wada Gaaray [DHAGAYSO]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda aanay marna ka daali doonin dagaalka lagula jirao argagixisada. 
Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyay isagoo tacsi u diraya shacabka, qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen mas’uuliyiin iyo xubno kale oo shacabka qiimo ku lahaa oo fiidnimadii caawa ku shahiiday weerar argagixiso oo lagu qaadey mid ka mid ah hoteelada magaalada Muqdisho.

“Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, iyo keygaba waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen Xildhiban Cabdullaahi Jaamac Kabaweyne iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed Guure. Waxan tacsi taa la mid ah u dirayaa qoysaskii ay ka baxeen dadkii shacabka ahaa ee iyaguna weerarkaasi waxashnimo ku shahiiday’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Ciidammada Qalabka Sida ay labadii maalmood ee la soo dhaafay ay dhirbaaxooyin kulul ku dhufteen argagixisada, iyagoo weliba ku guuleystey inay dilaan qaar ka mid ah horjoogeyaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka Soomaaliya iyo dalalka deriska. 

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: