HomeUncategorized

DEG DEG DHAGEYSO: Laamaha Amniga Gobalka Bari oo ka hadlay Iska horimaad dhacay

Boosaaso May 5, 2016 Iska horimaad sababay dhaawaca Wasiirka Amniga ee dawladda Puntland Cabdi Xirsi Qarjab Iyo 5 qof oo rayid ah ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso ee xudunta ganacsiga Puntland.

M/weyne Shariif oo dib uga laabtay Muqdisho, safar saacado ah oo uu ku yimid Puntland kadib.
Madaxweynaha Soomaaliya oo Mooshin laga Gudbiyay
Madaxweynaha Puntland oo saaka u safraya Imaaraadka Carabta.

Boosaaso May 5, 2016 Iska horimaad sababay dhaawaca Wasiirka Amniga ee dawladda Puntland Cabdi Xirsi Qarjab Iyo 5 qof oo rayid ah ayaa ka dhacay magaalada Boosaaso ee xudunta ganacsiga Puntland.

Iska horimaadkan ayaa dhexmaray Ilaalada Taliyaasha ciidamada Booliska & Birmadka ee dawladda Puntland, sidaasna waxaa Radio Daljir u sheegay Taliyaha qeybta Booliska ee gobalka Bari Cabdixakiim Yuusuf Xuseen.

Taliyaha ayaa sheegay in la hakiyey xaaladda, isla markaasna hadda xaaladu degan tahay, wuxuuna sheegay in ay hadda nabadgalyaddu caadi tahay, aysana jirin laba saf oo loo dagaalamay.

Taliyaha ayaa qiray in ay dhaawac yihiin Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab & Labo Sarkaal oo katirsanaa ciidamada Booliska & Birmadka ee dawladda Puntland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: