Baarlamaanka Soomaaliya oo yeelanaya Shir gaar ah

Muqdisho May 5, 2016 Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya ay yeelan doonaan fadhi gaar ah oo ay uga hadlayaan xil ka qaadistii Madaxweyne Xassan Sheekh ku sameyey Gudoomiyihii Maxkamadda Sarre Caydiid Cabdulaahi Ilka Xanaf.

Guddoonka baarlamaanka ayaa shaley lagu wargaliyey in ay muhiim tahay in aan laga aamusin qadiyada la xariirta xilka qaadista Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre.

Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in hadii laga aamuso talaabadan ay keenayso in dhawaan la kala diro Baarlamaanka Soomaaliya, taasna ay sabab u tahay markii ay marar badan ka gaabsadeen qodobo uu ku xadgudubay Madaxweynaha Soomaaliya, waa sida ay hadalka u dhigtaye.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0