HomeUncategorized

RW Sharmaake oo ka hadlay Shaqo la’aanta Soomaaliya

Muqdisho, 01, May, 2016.. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa munaasabada 1da May, 2016 oo ahmaalinta shaqaalaha aduunka ugu hambalyeeyey dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

Duubyada gobolka Baay oo shaaciyay inay gudoomiyihii hore ee Baay ay ku qanciyeen xil ka qaadista lagu sameeyay.
Puntland iyo QM oo ka wada hadlay xuquuqda aadanaha.
Madaxweyne Gaas oo lagu wado inuu furo kalfadhiga barlamaanka dowladda Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa munaasabada 1da May, 2016 oo ahmaalinta shaqaalaha aduunka ugu hambalyeeyey dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed.

“Waxaan hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha aduunka u dirayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee udub-dhexaadka u ah dhaqada iyo horumarka dalka guud ahaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarahu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay dadaalka dowladda Soomaaliyeed ugu jirto inay abuurto shaqooyin, ayadoo laga faa’idaysanayo xooga shaqaalaha ummadda ee diyaarka ah. Waxaana uu tilmaamay baahida loo qabo aqoonyahanka iyo xirfadleyaasha Soomaaliyeed. Isagoo ummadda ku baraarujiyay inay sameeyaan aqoon kororsi ayna bartaan xirfadaha shaqo ee xiligan loo baahan yahay.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0