HomeUncategorized

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kormeeray Warshadda Samaysa qalabka Birta Culus ee dalka Ethiopia

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas hawlo ushoqo u jooga magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddankaasi Ethiopia ayaa kormeeray gelinkii danbe ee maalinimadii shalay 20-April-2016 Warshadda samaysa Birta Culus iyo qalabka dhismaha waddooyinka iyo garoomada diyaaradaha, wershedaas oo magaceeda loosoo gaabiyo METEC iyo sidoo kale Warshadda samaysa qalabka korontada cadceeda laga dhaliyo.

Talyaaniga oo Xabsiga Dhigay nin Soomaali ah oo dadka Tahriibin jiray
Dowladaha Carabta oo Soo dhaweeyay doorashadii Madaxweyne Al-bashiir
Shirkii Arimaha Soomaaliya ee Brussless oo furmay (sawiro)

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas hawlo ushoqo u jooga magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddankaasi Ethiopia ayaa kormeeray gelinkii danbe ee maalinimadii shalay  20-April-2016 Warshadda samaysa  Birta Culus iyo  qalabka dhismaha waddooyinka iyo garoomada diyaaradaha, wershedaas oo magaceeda  loosoo gaabiyo  METEC iyo  sidoo kale Warshadda samaysa qalabka korontada cadceeda laga dhaliyo.

Madaxweynaha ayaa kormeerkiisa waxaa ku weheliyey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Indho-guran iyo Danjiraha dawlada Puntland ujooga Dawlada Ethiopia Mudane. Mahad Faarax Gaas.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaadhey xarumaha shirkadaha uu booqday waxaa ku soo dhoweeyey maamulka shirkadahaasi, isla markaana warbixino ka siiyeen Madaxweynaha qaabka ay u shaqeeyaan iyo sidoo kale isbedelleda ay ku sameeyeen kaabayaasha dhaqaalaha ee waddankaasi Ethiopia.

Dhinaca kale ujeedka kormeerka Madaxweynaha Dawaldda Puntland ayaa daarranaa sidii ay dawladda Puntland iyo Dawladda Ethiopaia isaga kaashan lahaayeen ka faa’iidaysiga xoogga korontada iyo Birta Culus.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa muddada uu ku jooga safarka shaqo dalkaasi Ethiopia ayaa waxaa uu la kulmi doonaa danjirayaasha qaybo ka mida safaaradaha shisheeye ee fadhigoodu yahay dalkaasi Ethiopia iyo sidoo kale madaxda sare ee hoggaanka waddankaasi Ethiopia majaraha uhaysa.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: